Your say / coronavirus

Sidee ayey Bulshada Soomaaliyeed ula Tacaashey Xanuunka Covid-19

By khalid jama ahmed, Monday Aug 17, 2020

Xanuunka Covid-19 waxa uu saameeyey dhammaan bulshada adduunka isaga oo aan u kala eegeynin, da’dooda, midabkooda iyo sharafkoodaba. Sidaa darteed Soomaalida ku dhaqan waddanka Ingiriisku waxa ay ka mid yihiin bulshooyinkaasi uu sida xun u saameeyey ee ka soo jeeda qoomiyadaha kala duduwan ee ku dhaqan waddankan. Waxa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay bandoodii lagu soo rogey oo meelo badan ka saameysay.

Inkasta oo aan la haynin tirakoobyo rasmi ah oo sheegaya tirada rasmiga ah ee Soomaalida kaga dhimatay xanuunkan, haddana, waxa hubanti ah oo xanuunkani uu galaaftey nafo badan oo la jeclaa, dad badanina ay ku waayeen ehelkooda iyo asxaabtoodii ay aadka u jeclaayeen.

Intii lagu jirey xaaladda bandooda ah waxa ay bulshada Soomaaliyeed ee deggan waddankan Ingiriisku abaabuleen kulammo ay ku galaayeen dhinaca baraha bulshada ku wada xidhiidho, iyaga oo ka arrinsanaayey sidii ay u caawin lahaayeen, una taageeri lahaayeen dadka uu xanuunkani sida xun u saameyey, gaar ahaanna kuwa u nugul xanuunnada kale ee aan awoodi Karin iney dibbada u soo baxaan, ama soo adeegtaan ama doontaan daruuriyaadka kale ee ay ka midka yihiin dawooyinku.

Support
independent journalism

Bristol24/7 relies on your support to remain independent. If you like what we do and you want us to keep reporting, become a member for just £45 for the year

Join now

Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee reer UK, gaar ahaanna Bristol waxa ay sameeyeen guddi farsamo oo adeegsanaaya WhatsApp kooxeed ay kula xidhiidhayaan, iskuna weydaarsanayaan farriimaha iyo taakuleynta ay ka dhex wadaan bulshada, iyo waliba qaab kale oo online ah oo ay isku gaadhsiinayaan macluumaadka ku saabsan xanuunkan saameynta leh si loo caawiyo qoysaska, waayeelka iyo dadka jilicda-san ee ay tilmaameen waaxda caafimaadka ee NHS-tu. Waxa loo qeybiyey cunto iyo dawooyin dadkaasi aan dusha ku soo xusay oo dhan ee aan awoodi Karin iney dibadda u baxaan xaaladda xanuunka awgeed.

Marka laga tago ururada maxaliga ah ee Soomaalida ee deeqda ka helay dawladda, waxa aan ka warqabaa iney jireen taageero dhaqaale oo ay ururiyeen bulshada Soomaalidu oo lagu taakuleynaayo dadka gargaarkaasi u baahnaa.

Waxa kale oo jirey kooxo si guud iyo si gaaraba ugu taakuleynaayey wakhtigooda sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda u baahan in loo soo adeego ama loo soo qaado dawooyinka ee aan ka soo bixi Karin guryahooda. Kooxahaasi waxa kale oo ay la wadaagi jireen dadkaasi aan dusha ku soo xusney warbixinnada iyo talooyinka ka imanaaya dawladda oo ay si fudud ugu gudbin jireen oo ay fahmi karaan.

Sikastaba ha ahaatee, waxa ay kooxahaasi iskood isku xil-qaamay ay hubin jireen hadh iyo habeen badqabka dadkaasi baahan.

Dhanka kale waxa jirey qoysas badan oo shaqo la’aan weyni ay soo foodsaartey oo uu sababey xanuunka Covid-19, kuwaasi oo ay la soo daristey baahi badanni, kooxahaasi dadkanna waxa ay ka caawin jireen wixii ay awoodaan ee ay u baahan yihiin sida; cunto oo kale.

Inkasta oo ay dhaqaale ka helaayeen xagga dawladda oo si weyn u taageereysay dadka shaqo la’aantu ku dhacdey, haddana waxa ay dadkaasi ka helaayeen bulshadooda ay la nool yihiin taageero xagga niyadda iyo wanaagga ah.

Ugu dambeyntii haddii aannu nahay Soomaalida deggen Bristol ama UK, waxa aannu ka baraney dhibkii xanuunkaasi uu gayaysiiyey bulshadeenna in uu adkeeyey isku-xidhnaantooda, iska warhayntooda, is taageeridooda dhinac walba, iyo inuu kor u qaaday isku tiirsanaanta iyo iska warqabka xaalad kasta iyada oo muhiimad gaara la siinaayo dadka baahida gaarka ah qaba sida waayeelka, carruurta iyo dadka la nool xanuunnada kale ee bulshada ka midka ah.

Khaalid Jaamac Qodax, Tifaftiraha Guud ee Warsidaha KOBCIYE

Read an English translation of this article

Related articles